DF oo ka hadashay go’aankii ergada Jowhar iyo xiliga doorashada

Jowhar (Caasimada online) – Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii shalay kasoo baxay ergada ku shirsan magaalada Jowhar.

Ergooyinka ku shirsan magaalada Jowhar ayaa shalay soo saaray in magaalada Jowhar ay noqoto caasimada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe, taasi oo la sheegay iney culees kale keeni karto.

Waxaana codeyntaasi ay sababtay in beelaha Gugundhabe ay isaga baxaan shirka magaalada Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaasi ay maqleen balse aan wali la isku raacin.

Wuxuu sheegay in xalay la shaaciyay la iskuna raacay magaca maamulka uu yeelanayo iyo astaanta calanka ee maamulkaasi.

Maamulka ayaa loo bixiyay HirShabeele State, waxaana calanka laga dhigay midibka baluuga iyo astaan cagaar ah oo barwaaqada gobolada ka tarjumeysa.

Yaxye Cali9 Ibraahim ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay dhaceyso bartamaha bishan 15, isagoo sheegay in qorshaha wasaarada uu yahay in shirka waqti kooban lagu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com