26.6 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DF: Mas’uuliyada waxii Gaalkacyo ka dhacay waxaa iska leh….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalada maalmahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ka xun tahay waxii magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

Wasiirka oo ku hadlayay magaca Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa amray saraakiisha ciidamada iney ciidamo geeyaan magaalada Gaalkacyo si loo kala dhex galo dhinacyada magaalada ku dagaalamaya.

Wasiir Maareeye, wuxuu sheegay in masuuliyada waxyaabihii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay qaadayaan madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in arimahaasi wax laga weydiin doono saraakiisha ciidamada Galmudug iyo Puntland, iyo xukuumadaha labada maamul.

Ma uusan sheegin waqtiga ciidamada dowlada la geynayo magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News