XOG: Halkee ayaa lagu bixiyaa dhaqaalaha doorashada 2016-ka ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lagu eedeeyay in dhaqaalihii loogu tallo galay doorashada 2016-ka ay u adeegsatay qaabab kale.
Dhaqaalaha ugu badan ee hadda baxay ayaa waxaa la rumeysan yahay in loo adeegsaday ololaha gaarka ah ee Madaxweyne Xassan.

Dhaqaalaha qaar ayaa waxaa sidoo kale lagu maareeyay doorashooyinka Aqalka Sare, gaar ahaan soo bixitaanka shaqsiyaad ku dhow dhow Xassan Sheekh kuwaasi oo xubinimada ku helay dhaqaale laga saaray tan doorashada loogu tallo galay.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Madaxtooyada oo sababo amni darro uga gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan uu dhaqaale aad u xoogan ku bixinaayo sida uu ku heli lahaa Xildhibaano uu ku kalsoon yahay kuwaasi oo codadka ugu shubo.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in iminka ay jirto dhaqaale yar maadaama dhaqaalaha doorashada lagu maareeyay maslaxada Xasan Sheekh.

”Waa arrin dhab ah in dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyay qaabab kala duwan waayo tan hortaal waxaa uga daran tan kusoo fool leh, maxaa yeelay Xassan Sheekh waxaa u muuqda rabitaanka kursigiisa”

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa ”Waxaa suuragal ah in mar kale uu dib u dhac ku imaado doorashada waayo waxaan la socdaa in dhaqaalaha uu qaabab kala duwan ku baxay”

Haddalka Sargaalkaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Beesha Caalamka ay shaacisay in dhaqaalaha doorashada Somalia ay ku wareejisay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com