Sidaan rabo yeel: Xasan oo durba faro-gelin ku billaabay Cosoble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Sh/Dhexe, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan khaas ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne Xassan iyo Cosoble ayaa si qoto dheera uga wada hadlay arrimaha maamulka Cusub, waxa uuna Xassan guddoonsiiyay Cosoble Liis dheer oo lagu diyaariyay shaxda kuraasta loogu qeybinaayo Beelaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Liiska ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Xubno ku dhow dhow Madaxweyne Xassan kuwaasi oo kasoo dhex muuqan doona xukuumada uu magacaabi doono Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu doonaayo in Wasaaradaha Amniga, Maaliyada iyo Gudaha loo magacaabo shaqsiyaad isaga saaxiib la’ ah kuwaasi oo ay dowlada ku duldhacday iyaga oo aan waxba xil ah qaban.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale, Cali Cabdullaahi Cosoble faray inuu soo koobo xilalka uu magacaabi doono, si buu yiri aan wakhtiga loogu lumin khilaaf iyo dood.

Sidoo kale, Xubnaha Aqalka Sare ayuu faray in lagu soo gudbiyo muddo Shan cisho ah, maadaama uu wakhtiga ka dhamaaday maamulka.

Qorshahaani hoos iska taabatka ah ayaa waxaa kasoo horjeeda Beelo dhowr ah kuwaasi oo isugu jira kuwo xilalkooda saluugsan iyo kuwo la dafiray xuquuqdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com