25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

SAWIR: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada online) – Wararka haatan aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM lala eegtay qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin xaafada Howlwadaag ee magaalada, waxaana dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne.

Dadka ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in khasaaraha weerarkaasi uu yahay mid xoogan maadaama dhawaqa qaraxa laga maqlay xaafadaha magalaada ay ka kooban tahay.

Ciidamada Jabuuri ayaa qaraxa kadib waxay bilaabeen iney rasaas badan ridaan si ay kaga hortagaan weeraro kale oo lagu soo qaado.

La oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan balse waxii kusoo kordhaa kala soco wararkeena dambe Insha allah.

qarax

- Advertisement -

Read more

Local News