28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo Albaabada loo laabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa si KMG ah maanta loo xiray Safaarada Mareykanka ay ku leedahay xaafada Gigiri ee Magaaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xiritaanka Safaarada ayaa waxaa loo sababeeyay kadib toogashadii la toogtay Muwaadinka Soomaaliyeed ee la sheegay in Toorey uu ku weeraray Safaarada.

Qoraal kooban oo laga soo saaray Xafiiska Danjiraha Safaarada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Safaarada ay si KMG ah u xirnaan doonto ilaa 31 Bisha October ee aan ku jirno.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in mudada ay xirnaan doonto Safaarada muwaadiniintu ay adkeysi muujin doonaan maadaama baaritaan lagu sameynaayo dilka.

Ninka toogashada lagu dilay ayaa ahaa Soomaali ka soo jeeda Magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana magaciisa lagu sheegay C/maalik Ibraahim Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad loo adkeeyay amaanka safaarada Mareykanka xaafada Gigiri ee Magaaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News