Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Somalia Abuukaate Cumar Dhagey ayaa ka hadlay Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland kaasi oo ka socda magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay in Dagaalka uu yahay mid sii kordhinaaya khasaaraha dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.
Dhagey waxa uu tilmaamay in dagaalka ujeedkiisa uu yahay mid lagu xasuuqaayo dadka shacabka ah waxa uuna ku baaqay in la hakiyo.
Cumar Dhagey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban, ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabinaayo howlihiisa Qaran, balse taa bedelkeeda uu gartay inuu ku mashquulo howlaha aan isaga khuseyn.
Nabadoon Maxamed Cabdi oo kamid ah odayaasha Gaalkacyo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in shaqsi waliba oo gabay howshiisa uu shaqo ka dhigto colaada ka taagan Gaalkacyo.
Nabadoonka ayaa ku baaqay in colaada Gaalkacyo faraha looga qaado odayaasha ay khuseyso maadaama iyaga ay la socdeen min bilow ilaa dhamaad.
Haddalka Cumar Dhagey ayaa imaanaya xili howlgabnimadiisa ay gaartay in Doorashooyinka uu dib dhacyo ku sameeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

