28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Madaxweyne sheegay in uu illaah toos ula soo xiriiray xili uu saarnaa diyaarad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Rodrigo Duterte oo ah Madaxweynha dalka Philippines, ayaa shaaca ka qaaday inuu joojinaayo Aflagaadooyinka uu u geysanaayo Madaxda caalamka iyo kuwa kale.

Rodrigo Duterte, oo ka hadlaayay sababta uu u joojinaayo ayaa sheegay in Alle ay wada dhigteen Axdi isla markaana uu ballanqaaday inuusan geysan doonin wax aflagaado ah.

Rodrigo Duterte, waxa uu sheegay in go’aankaasi uu qaatay kadib markii uu sheegay in Illaah toos ula soo xiriiray.

Rodrigo Duterte, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in dhowr Madaxweyne oo uu kamid yahay Hooyada dhashay Madaxweynaha Mareykanka Obama oo uu ku yiri ”naarta ka cab”

Rodrigo Duterte, waxa uu sheegay in go’aankan uu ku dhashay xili uu hawada ku jiray oo dib uga soo laabanaayay booqasha uu ku tagay Japan.

Isagoo ka faaloonaayay qaabka uu Alle ula xiriiray ayaa waxa uu yiri ”iyadoo qof kasta oo diyaaradda ila sarnaa uu hurdayo ayaa waxaan maqlay cod ii digayo: haddii aadan joojinin aflagaadada, diyaaradan ayaan kula gadin doonaa hadda”

Rodrigo Duterte, waxa uu cadeeyay in codkaasi ee uu maqlay uu ahaa kan Alle, sida uu hadalka u dhigay.

Rodrigo Duterte ayaa dhowr jeer ka biya diiday inuu dhaafo misna ka fiirsado Aflagaadooyinka uu kula kacaayo madaxda dhigiisa ah oo uu kula kaco Aflagaadooyin aan munaasib aheyn.

Rodrigo Duterte, waxa uu sidoo kale xili hore aflagaadeeyay mas’uuliyiin ka tirsan QM iyo danjiraha Maraykanka ee Philippine.

Haddalka Rodrigo Duterte, ayaa u muuqanaaya mid uu go’aan cad kaga gaaray Af-xumida uu kula kacaayo madaxda dhigiisa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News