26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

“Inta Siyaasiyiinta ay dabinka wadaan doorashada lagama yaabo in waqtigeeda ku dhacdo”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Diyaar garowr balaaran ayaa ka socdo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka.

Doorashada xubnaha aqalka hoose oo qorshaha uu yahay iney ka dhacdo caasimadaha maamul goboleedyada ayaa laga dareemaya magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Musharixiinta ku tartamaya aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa waxay qorshahooda iyo olalahooda ka wadaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka dadban ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney rajeynayaan in doorashadaasi ku dhacdaa jawi wanaagsan.

Dhinaca kale Imaam Cumar Macalin Abshir oo kamid ah 135 oday dhaqameed ee xulista sameynaya ayaa rajo xumo muujiyay oo ku aadan in doorashada ay dhacdo inta siyaasiyiinta dabinada ay dhigayaan.

“Inta Siyaasiyiinta ay dabinka wadaan doorashada lagama yaabo in waqtigeeda ku dhacdo, dhaqanka waxaaba ka xoog batey hadda siyaasiyiinta, siyaasiga ayaaba dadkii oo dhan isku direy, waxaan muujinayaa walaac weyn, sidey wax u soconayaan shaki badan baa iiga jira” ayuu hadalkiisa raaciyey Imaam Cumar Macallin.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News