Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno dalka Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan laga sii daayay gacantooda Soomaali u afduubneyd in muddo ah.
Soomaalida madax furashada lagu sii daayay ayaa gaareysay afar ruux, waxaana la sheegay in markoodii hore ay ka tageen dalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah ehelada dhalinyarada Soomaaliyeed ee madax furashada lagu daayay ayaa xaqiijiyay in afarta Soomaaliya ay u afduubnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo Yemen ku sugan.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Soomaalida sii daayay kadib markii la siiyay 2 kun oo doolar, sida ehelada caruurta ay sheegeen.
“Maleeshiyaad hubeysan oo Yemen ah ayaa qafaashay 4 qof oo Soomaaliyeed, 3 wiil, iyo 1-gabar, jirdil xooggan ayeey wiilashii kula dhaqaaqeen, gabadhiina waa ay kufsadeen”
“Dhibaato aan lasoo koobi karin bay geysteen, waxaa isku baxay dadkii Soomaalida ahaa markii ay arrintaas ka warheleen, kadibna lacag ayaa la isku darey, waxaa sidoo kale loo yeeray Odoyaashoodii sidaas ayaana lagu soo daayey”ayuu yiri mid kamid ah ehelada dhalinyaradan.
Yemen oo dagaalo ay ka socdaan ayaa dhibaatooyin badan loogu geystay Soomaali dooneysan iney Sacuudiga kaga sii gudbaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

