Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Burundi ayaa ka hadlay Ciidamada dalkooda ka jooga Somalia ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM.
Xildhibaanada oo kulankooda ku yeeshay xaruntooda Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi ayaa sheegay in Dowlada looga baahan yahay inay ka fiirsato qaabka ay ku noolyihiin ciidamadooda ka jooga Somalia.
Xildhibaanada ayaa Su’aalo weydiiyay Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Emmanuel Ntahomvukiye iyo Taliyaha Booliska Alain Guillaume Bunyon waxa ayna Su’aalahooda ugu badan ka weydiiyeen xaalada ay ku sugan yihiin Ciidanka Burundi ee Howlgalka ujooga Somalia.
Su’aalaha ugu badan ee la weydiiyay ayaa ahaa inta uu la’eg yahay Macluumaadka ay ka hayaan xaalada Ciidamadooda Jooga Somalia, waxa ayna sheegeen Ciidanka Burundi ku dhowaad 10 Bilood in aysan qaadan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.
Wasiirka iyo Taliyaha waxa ay qireen in Ciidamadu ay ku noolyihiin nolol tii ugu xumeyd, waxa ayna mas’uuliyad daridaasi ay dusha u saaren Dowlada iyo Taliska AMISOM.
Xildhibaanadu waxa ay sheegen in taasina aysan aheyn mid loo dulqaadan karo, waxaana ay xukuumada ka codsadeen in dib loo soo celiyo Ciidanka ka jooga Somalia.
Waxa ay ku celcelsheen in Mowqifkooda uu yahay in Ciidamadooda laga soo saaro Somalia, iyagoo sabab uga dhigay bahdil iyo Mushaar la’aan joogta ah.
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Burundi ayaa Midowga Afrika ugu baaqay in ay bixiyaan Mushaaraadka ay xaq u leeyihiin Ciidanka AMISOM ee ka Howlgalla Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]