26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo digniin kasoo saartay waxyaabo khuseeya doorashada ee dhicikara

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saartay musuq-maasuq lagu sameeyo doorashooyinka dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inay walaac ka muujinayaan in Musuq lagu sameeyo doorashooyinka dalka, waxa uuna sheegay in musuq dhacaa ay lamid tahay xasil darro soo foodsaarta dalka.

Sheekh Bashiir waxa uu sheegay inay ka digayaan in leys dabamariyo codadka waxa uuna tilmaamay inaysan afka ka qabsan doonin Musuq lagu kaco inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

Dadka ayuu sheegay inay siman yihiin isla markaana loo baahan yahay in xilka loo dhiibo cidii mudan ee xilkaasi kasoo bixikarta, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay in doorashooyinka lagu wiiqo Aqoonyahanada doonaya in ay qabtaan xilalka kala duwan ee dalka.

Sidoo kale, Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyay isla markaana laga fogaado wax waliba oo dhibaato u horseedi kara dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ku baaqay in howlahaani adag ee doorashada lala kaashto dadka waaya araga u ah ee aan ka dhexmuuqan Guddiyaga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News