Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa xiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Turkiga kadib Qaraxyo ka dhacay dalkaasi, gaar ahaan magaalada Diyarbakir ee koonfur bari Turkiga.
Xildhibaanada la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Selahattin Demirtas iyo Figen Yüksekdag, waxa uuna xariga dhacay ka dib markii ay diideen in su’aalo laga weydiiyo eedeyn ah in ay xiriir la leeyihiin ururka dalkaasi laga mamnuucay ee PKK.

Bekir Bozdag oo ah Wasiirka Cadaallada Turkiga, ayaa sheegay in xariga Xildhibaanada uu yahay mid xiriir la leh Kooxaha Xagjiriinta, waxa uuna meesha ka saaray in qaraxyada dhacay ay Xildhibaanadaasi ka maran yihiin.
Xildhibaanada la xiray ayaa dhankooda ka beeniyay eedaha loo jeediyay, waxa ayna sheegen in dowlada ay uga baahan yihiin cadeymo.
Dhinaca kale, Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ku haya Xildhibaanada la xiray ee lala xiriirinaayo dhinacyada mucaaradka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

