Qarax khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay dalka Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Diyarbakir ee Koofurbari dalka Turkiga.

Qaraxa oo ahaa mid gaari lagu soo xiray ayaa waxa ku dhintay ilaa 8 ruux, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 100 ruux oo shibil u badnaa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday meel u dhaw saldhig boolis oo ku yaala magaalada Diarbakir.

Qaraxa kadib ayay ciidamada amaanka xireen dad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin kooxaha argagixisada, sida kooxda u janjeerta dhanka bidixda ee xagjirka ah.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay fallaagada Kurdiyiinta ee PKK, waxa ayna ku faaneen in weerarka ay ku dileen Saraakiil cidan.

Kooxda PKK ee mucaaradka ah ayaa goor sii horeysay ku goodisay inay ololin doonta Turkiga oo dagaal kala dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com