26.9 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

RW CC oo shaaca ka qaaday xiliga ay dhaceyso doorashooyinka Aqalka Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Sharmaarke waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay u tabaabusheysatay hirgalinta doorashooyinka xiligooda, waxa uuna ku dhawaaqay in doorashada Aqalka Hoose ay si rasmi ah u bilaaban doonaan maalinta Axada.

Xarumaha Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in maalinta Axada ay noqon doonaan mashquul, waxa uuna ku baaqay in mas’uuliyiinta maamulada ay ilaaliyaan suuragalnimada xadgudubyo loo geysto musharaxiinta.

Sharmaarke waxa uu intaa ku daray in doorashada xubnaha Aqalka Hoose loo qorsheeyay mudo isbuuc ah, isagoo sidoo kale sheegay in hada inta badan ay diyaar garoobeen Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay bixitaanka Ciidamada Ethiopia ay ka baxeen Gobollada qaar, waxa uuna Sharmaarke sheegay in goobaha ay ka baxeen Ciidamada Ethiopia aysan saameyn doonin amni darida taagan.

Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ay ka harsan tahay doorashada Madaxweyninimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News