26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Odayaal kamid ah Ergada soo dooraneysa Xildhibaanada oo Mindiyo isku dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in laba Oday oo kamid ah Ergooyinka soo xuleysa Xildhibaanada cusub ay Mindida isla dhaceen kadib markii uu soo kala dhexgalay Khilaaf.

Odayaasha Mindida isla dhacay ayaa la sheegayaa in mid kamid ah uu u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Mindida kuwaasi oo kuwada sugnaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Oday dhaqmeedka kale ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray dhaawac culus kadib markii ilaa Seddex jeer Mindida looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Labada Oday dhaqmeed ayaa la sheegay inay ku murmeen qaabka loo soo xulaayo Xildhibaanada Jubbaland uga mid noqon doonta Baarlamaanka Somalia.

Dadka goobta ku sugnaa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Odayga dhintay iyo kan uu dhaawaca soo gaaray ay kasoo wada jeeden hal beel, isla markaana uu khilaafkooda yimid kadib markii Odayga dhintay uu isku dayay inuu hor istaago Siyaasi uu watay Odayga kale ee dhaawaca uu soo gaaray.

Odayga dhaawaca ayaa waxaa iminka la dhigay Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo, halka Odayga dhintey Meydkiisa loo qaaday Hooygiisa.

Dhacdadaani foosha xun ee goordhow ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaan ka hadal Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Maamul Goboleed iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland intaba.

Si kastaba ha ahaatee, dilka Oday dhaqmeedkaani kamidka ahaa Ergooyinka xulista ayaa laga cabsi qabaa inuu sababo aanooyin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News