30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Siyaasi Mudulood oo caan ah oo qarka u saaran Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa la filayaa inuu ku guuleysto mid ka mida kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Dufle ayaa ka mida musharixiinta Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Hirshabeelle, waxaana kursiga beesha Ujeejeen ee xildhibaanku ka soo jeedo laga saaray inay kula tartamaan musharixiin kasoo jeeda Beesha Shanaad.

Kursigan ayaa markii hore loo qoondeeyay beesha Ujeejeen laakiin waxaa lagu qoray musharax ka socda beesha Shanaad, gaar ahaan Sheekhaal/Reer Aw-xasan, arrintaas oo muran ka dhashay kadib kursiga loo gaar yeelay beesha Ujeejeen.

Inkastoo aan weli la helin musharaxa la tartanaya Prof. Dufle ayaa haddana waxaa si weyn loo rumeysan yahay  inuu si sahal ah ugu guuleysan doono kursigan.

Musharixiinta Beesha shanaad ayaa hadda ku loolamay kursigooda iyadoo ay isku hayaan saddex musharax oo ka kala socda beelaha: Saddex Cumar, Shiidle, Reer Aw-xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News