28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Doorashada xildhibaanada aqalka Hoose oo ka bilaabatay magaalada Garowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Doorashada xildhibaanada aqalka Hoose ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka bilaabatay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Goobta doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan xildhibaanada baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo beesha caalamka.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaalada Garowe waxaa xaqiijiyay gudoomiyaha doorashooyinka ka dhacaya magaalada Garowe.

Maalintii shalay waxaa magaalada Garowe lagu soo idleeyay tababar loo sameeyay ergooyinka iyaga oo la fahamsiiyay sida ergooyinka xildhibaanada usoo dooranayaan.

Amaanka magaalada Garowe gaar ahaan goobta doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana lagu geeyay ciidamo badan oo maamulkaasi ka tirsan.

Xalay ayay aheyd markii kooxo careysan ay weerareen mid kamid ah hoteelada la dajiyay ergooyinka doorashada maanta sameynaya.

Caasimada Online
Xafiska Nugaal
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News