Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Siyaasiyiin ka tirsan Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta uu Xassan Sheekh la kulmay ayaa waxa ay kulankooda uga wadahadlayeen Xiisada Siyaasadeed ee iminka ka dhextaagan Madaxweynaha iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Xassan ayaa si kooban Siyaasiyiintaasi sharaxaad uga siiyay halka ay Dowlada Imaaraadka marineyso hagardaamadeeda iyo sida ay shaqsi ahaantiisa uga go’an tahay in mar kale uu kusoo baxo doorashada Somalia.
Xassan waxa uu Siyaasiyiintaasi ka dalbaday inay ka shaqeeyan dib usoo laabashadiisa, waxa uuna u ballanqaaday in wax waliba ay u dhici doonaan sida loogu tallo galay.
Xassan waxa uu sidoo kale, Siyaasiyiintaasi u cadeeyay in Imaaraadka ay si ganbasho la’aan ah ula dagaalameyso Siyaasadiisa, waxa ayna dhankooda ka aqbaleen inay dardar galinayaan ololihiisa.
Xassan waxa uu ku taamayaa inuu burburiyo caqabadaha ay la maagan tahay Dowlada Imaaraadka Carabta.
Dowlada Ethiopia ayaa kaalinta koowaad kaga jirta dowladaha u ololeyneysa dib usoo rogaal celinta Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]