Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland la filayaa inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland Maxamuud Xasan Cali, ayaa sheegaya in Jubbaland ay u diyaar garoobeyso doorashada waxa uuna sheegay in Amniga goobta doorashadu ay tahay mid wanaagsan.
Maxamuud Xasan Cali, waxa uu sheegay in 10 bishaan ay noqon doonto maalinta ay si rasmiga ah u bilaabi doonaan doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Wakhti dheer ayuu sheegay inay qaadatay diyaarinta doorashada Aqalka Hoose, waxa uuna ballanqaaday in xiliga kor ku xusan ay si rasmi ah u qabsoomi doonto doorashada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaarinta Ergooyinka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Jubbaland soo kaamisho Aqalka Hoose.
Docda kale, Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna ku baaqay in doorashooyinka aan wakhtigooda la dhaafin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]