Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanka Garissa ay eedeymo kala duwan dusha uga tuuren Guddoomiyaha Deegaanka Garissa ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Mr Nadiif Jamac oo ah Guddoomiyaha.
Nadiif Jamac waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka leeyahay cadow farabadan waxa uuna tilmaamay in cadowgaasi uu yahay mid uu isaga naas-nuujiyay.
Nadiif Jamac, waxa uu sheegay in inta badan Siyaasiyiinta Gaarisa ay kasoo horjeedan xilka uu hayo iyo Siyaasada uu kaalinta adag kaga jiro, waxa uuna meesha ka saaray in dhaliilaha kasoo yeeraya kuwa mucaaradka ku ah ay yihiin kuwo khaladaad jira lagu saxaayo.
Waxa uu farta ku goday in shaqooyinkiisa ay noqdeen kuwo aan horumar laheyn, waxa uuna taa sabab uga dhigay inay ku bateen dhaliilaha loo jeedinaayo.
”Dhaliilaha naloo jeedinaayo waxa ay caqabad ku noqdeen waxqabadkeena waxaan awood u yeelan weynay inaan dhaqaajino howlaha maamulka waayo waxaa cadow nagu ah kuwo kasoo jeeda Gobolka oo aan horumar ogoleyn”
”Ma dhahaayo shaqsi hebel ayaa noo diidan horumarka balse waxaan qirayaa inay jiraan dhibaatooyin aan ka shaqeyn la’ nahay”
Guddoomiye Nadiif Jamac ayaa sidoo kale kale sheegay in Siyaasiyiintaasi ay qeyb ka yihiin kuwa arbushaada amni darro ku haya deegaanka Gaarisa.
Haddalka Nadiif Jamac ayaa u muuqanaaya mid ku wajahan Siyaasiyiintii kamidka ahaa Baarlamaanka Kenya ee banaanka kusoo dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

