Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa kaamiradu qabatay isagoo ku shaahaaya maqaaxi lagu iibiyo shaah oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Micheal Keating, ayaa waxaa halkaasi kula qaxweynaayay xubno ka tirsan Xafiiska QM iyo kuwo kale oo xilal kala duwan ka haya Maamulka Puntland.
Micheal Keating, waxa uu halkaasi ku wareystay qaar kamid ah shacabkii maqaaxida ku shaahayay waxa uuna dadka kasoo jeeda deegaanada Maamulka ugu baaqay inay kawada shaqeeyan amnigooda.


