Nairobi (Caasimada Online) – Farah Macalin oo mar soo noqday Guddoomiye ku- xigeenki hore ee Barlamaanka Kenya ayaa eedeyn kala duldhacay Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta.
Farah Macalin, waxa uu sheegay in Uhurro Kenyatta uu ka gaabiyay la dhaqanka Soomaalida ku nool gobolka Waqooyi Bari marka la eego horumarka.
Farah Macalin, waxa uu tilmaamay in dhowr jeer ay fariimo u direen Madaxweyne Kenyatta balse aysan helin wax jawaab ah.
Waxyaabaha uu ka gaabiyay Uhurro Kenyatta ayuu sheegay inay kamid yihiin Horumarada, Amaanka iyo in dadka kasoo jeeda W/Barri Kenya lala meel dhigo shucuubta kale ee Kenyaanka ah.
Farah Macalin, waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay si Siyaasadeysan u faquuqeyso Soomaalida, waxa uuna ku baaqay in dadka Soomaalida ah ay raadsadaan xuquuqda ka maqan.
Sidoo kale, Caqabada ugu weyn ee deegaanada Soomaalida ka taagan ayuu sheegay inay tahay Amni darro baahsan, waxa uuna carab dhabay in wax kabedelka arrintaasi ay kala hadleen Uhurro Kenyatta, hayeeshee aysan helin wax jawaab ah.
Maalim ayaa ku eedeeyay in qayb ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka eey taageerto dowladda Uhuru welina aysan jirin wax muuqda oo ay qabteen.
Dhinaca kale, Farah Macalin ayaa ku eedeeyay in qayb ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka eey taageerto dowladda Uhuru welina aysan jirin wax muuqda oo ay qabteen.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

