31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Muuse Suudi: Waa in gobolka Banaadir la mid noqdaa gobollada kale haddii kale…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa si adag uga Hadlay sida ay dowlada Somalia uga gaabineyso xaqiijinta Maqaamka Gobolka Banaadir.

Muuse waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in Gobolka Banaadir lala meel dhigo Gobolada kale ee dalka.

Muuse Suudi waxa uu intaa ku daray in qadiyada Gobolka Banaadir ay tahay mid muqadas ah, isla markaana loo baahan yahay in Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Banaadir ka dhiidhiyaan helida xuquuqda Gobolka.

Waxa uu Mr Muuse Suudi sheegay in marnaba aan la aqbali karin in la hor istaago xuquuqda Gobolka waxa uuna ku baaqay in Gobolka Banaadir lala meel-dhigo Gobolada kale.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay wax ka qabato mushkilada lagu hayo dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Haddalka Muuse Suudi ayaa imaanaya xili gooni loo faquuqay dadka dega Gobolka Banaadir oo aan weli loo Sameyn maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News