31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Ciidamada Ethiopia oo mar kale xasuuqay Nabadoon iyo dad kale oo shacab ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Dac oo hoostaga degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay halkaasi ku xasuuqen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa dadkaasi dilay xili ay kusii jeeden Saldhigga ay ku leeyihiin Magaalada Ceel-buur.

Ciidamada ayaa rasaas ooda uga qaaday qoysas ku dhaqnaa waxa ayna halkaasi ku dileen Afar ruux, halka ay dhaawac u geysteen illaa 6 kale.

Ciidamada ayaa markii ay geysteen dilka halkaasi isaga baxsaday, mana jirin cid ay dilkaasi kala xaajooden.

Sidoo kale, Maamulka Degmada Ceel-buur ayaa sheegay in dilalka noocaani ah ay inta badan ciidamada Ethiopia ka geystaan gudaha magaalada.

Maamulka waxa uu sheegay in dadka la dilay uu ku jiray Nabaddoon lagu Magacaabo Axmed Cabdulle Dhoobac oo 85 sano jir ah.

Falkaani ayaa kusoo beegmaaya xili dilal noocaani ah ay ciidamada Ethiopia shalay ka geysteen Deegaanka Wabxo oo hoostaga Gobolkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News