30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Boorsaani oo rubac milyan dollar ku bixiyey kursi ka mid ah Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa lacagtii ugu badneyd ku bixiyay kursi ka mid ahaa aqalka Sare.

Kursigan ayaa waxaa olole ugu jiray Guddoomiye Boorsaani oo doonayay inuu ku guuleyso musharax uu watay, isagoo magaalada Jowhar u diray wakiilo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo howshan loo xil saaray.

Musharaxa uu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ahaa Cismaan Axmed Macow oo loolan adag uga yimid musharaxa kale ee C/Nuur Ibraahim Farey, taasoo keentay in lacagta kursigan ay sare u kacdo.

Cismaan Axmed Macoow
Cismaan Axmed Macoow

Lacag ku dhow 250,000 doolar ayaa ku baxday kursiga uu ku guuleystay Cismaan Axmed Macow, wuxuuna ahaa kursiga sida ugu adag loogu loolamay lacag, waxaana ku guuleystay musharixii guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu watay.

Ujeedka Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale u taageeray Cismaan Axmed Macow ayaa la sheegay inay isugu jiro arrimo qaraabo iyo saaxiibtinimo, iyadoo loo adeegsaday lacagtii danta guud, xilli dadka Gobolka Banaadir aanay wax xuquuq ah ku lahayn Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News