Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa goordhow lagu wadaa in magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ay ka bilaabato doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Ergooyinka dooran doona Xildhibaanada ayaa iminka ku qulqulaaya Hoolka ay doorashada ka dhici doonto.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo Guddiga howlahaasi ay khuseeyaan ayaa sidoo kale ku sugan Hoolka ay doorashadu ka dhici doonto, waxaana iminka socda diyaar garowga doorashada.
Ilaa iyo Seddex Xildhibaan ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto doorashadaasi, halka Xubnaha harsan gadaal laga dooran doono.
Maamulka iyo Guddiga doorashooyinka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay hirgalinta doorashada iyo dhameystirka Xubnaha harsan.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado

