Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa dagaal gacan qaad ah uu dhex maray Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo C/wali Maxamed Qanyare oo hal beel kasoo wada jeeda.
Dagaalka gacanqaadka ah ee labada mas’uul ayaa dhashay kadib markii labada Xildhibaan ay isku qabteen arrimo la xiriira xubinimada Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in labada mas’uul uu soo kala dhexgalay muran maalmo badan socday, waxa ayna xakameyn waayen doodii dhexmartay iyadoo markii danbe ay gacanta iskula tageen.
Sidoo kale, Labada mas’uul ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka faafinaayo warar aan munaasib aheyn, waxa ayna arrintaasi qeyb ka tahay gacan qaadka dhexmaray labada mas’uul.
Waxyaabaha gacan qaadka keenay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in Xildhibaan C/wali Qanyare uu kalsooni ka helay Ugaaska Beeshooda, halka Mustaf Dhuxulow uu isna meel cad kusoo dhacay, maadaama labada mas’uul ay ku loolamayaan xubinimada Baarlamaanka cusub.
Dagaalka labada mas’uul ayaa waxaa ku baxay Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada hadda jirta iyo Ugaaska Beesha Murusade, waxaana iminka soo baxaya in labada mas’uul ay ku kala maqan yihiin carro kadib markii dhinacyada heshiisiinaayay aysan haleelin boogta.
Docda kale, gacan qaadkaani ayaa qeyb ka ah gacan qaadyo si joogta ah u dhexmara madaxda dowlada kuwaasi oo badi isku haya xilal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

