24.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Fethullah Gulen oo wacad ku maray inuu kursiga ka tuurayo Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga oo xiganaaya Afhayeen u hadla wadaadkii ka danbeeyay Afganbigii dhicisoobay ee Turkiga ayaa sheegay in Fethullah Gulen uu qeyb ka noqon doono dhiirigaliyayaasha doorashada Somalia ee 2016-ka.

Wargeysyadu waxa ay qoreen in Afhayeenka uu xaqiijiyay in Fethullah Gulen uu wacad ku maray inuu garab siin doono hal iyo labo kamid ah Musharaxiinta ugu awooda badan ee la tartameysa Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Somalia Xassan Sheekh.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in qorshaha Fethullah Gulen uu yahay mid lagu maja-xaabinaayo Xassan Sheekh iyo Xukuumadiisa si ay Somalia u hesho dowlad caadil ah.

Waxa uu Afhayeenku intaa raaciyay in Fethullah Gulen uu aad uga soo horjeedo nidaamka lagu maamulaayo Somalia, waxa uuna ku khasban yahay in qaabab hoose uu u taageero Musharax aan wali la sheegin magaciisa.

Dowlada Turkiga ayaa taageersan Madxaweynaha hadda xilka sii haya ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxa ayna dowladaasi qeyb ka tahay dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya Xassan Sheekh oo ah musharax.

Fethullah Gulen ayaa isna Siyaasada dowlada Somalia ka calool goostay tan iyo markii July 22, 2016 Shaqaalaha Hay’adda Nile Academy ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho laga eryay Somalia isla markaana albaabada loolaabay xarumahooda.

Siyaasada Somalia ayaa waxaa faraha kula jira Dowlado iyo Ganacsato Shisheeye kuwaasi oo dalka ka geysta waxa ay maankooda ka maagan, waxaana xusid mudan in dowlada Somalia ay arrimahaasi shisheeyaha ku caawiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News