Puntland (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsna Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka hadlay mowqifka Beesha Caalamka ee xalinta colaada ka taagneyd magaalada Gaalkacyo.
Micheal Keating, waxa uu sheegay in xal u helida dagaalka Gaalkacyo ay aad ugu wareeren, waxa uuna xusay in mudada uu ka tirsan yahay QM uusan arag jahwareer lamid ah kan Gaalkacyo.
Keating waxa uu qiray in looga fiicnaa xalinta dagaalka Gaalkacyo, balse uu dhowr jeer qudhiisa ku guuleystay xalinta dagaalo kale oo ka qaraarnaa kan Gaalkacyo, hadase uusan garan karin waxa u sababta ah in dagaalka Gaalkacyo ay ku wareeraan.
Micheal Keating, waxa uu arrin nasiib darro ah ku tilmaamay Kontomeeyada ku dhimatay dagaalka u dhexeeyay Galmudug iyo Puntland, waxa uuna farta ku goday inuu jeclaan lahaa in qoysaska dadka ku dhintay dagaalka lala qeybsado dhibta.
Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayuu ugu baaqay inay muujiyaan taxadar isla markaana aysan sabab u noqon in magaalada Gaalkacyo ay halboole u noqoto colaada.
Dagaaladda Galkacayo oo muddo bil ah ka dhacayay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 40 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof oo labada dhinac.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland

