Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta booqday furumaha dagaalka oo ay kusugan yihiin ciidamada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Guuleed waxaa wehlinayay saraakiisha ciidamada ee maamulka Galmudug, wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo xubno kale waxayna tageen galbeedka magaalada Gaalkacyo.
C/kariin Guuleed, ayaa ujeedada socdaalkiisa waxay aheyd sidii ciidamada iyo saraakiishooda loogu wargelin lahaa dhaqan gelinta xabad joojinta iyo hishiiskii lagu gaaray magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu kula dardaarmay ciidamada maamulka Galmudug ineysan ridin wax xabad ah, maadaama qorshaha uu ahaa in laga shaqeeyo amaanka guud ahaan gobolka Mudug.
C/kariin Guuleed ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee maamulkaasi, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa wasiirka amniga Mr Taardhuleed iyo xubno kale.
Maalintii shalay ayaa labada maamul waxay ku hishiiyeen in xabad joojin waarka laga hergeliyo magaalada Gaalkacyo, iyadoo 7 maalin kadib lagu kulmi doono magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

