28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Gaas iyo Guuleed oo aan xal u helin arrinta ugu muhiimsan ee dagaalka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Inkastoo madaxda Galmudug iyo Puntland ku kulmeen magaalada Gaalkacyo ayaa haddana waxaa muuqata inaan lagu guuleysan arinta ugu muhiim ee qeyb ka qaadan karta nabad galyada magaalada Gaalkacyo.

Maadaama magaalada hadda ay degen tahay waxaanan wali lagu guuleysan in la kala qaado ciidamada isku horfadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana mar walbaa jirta cabsi dagaal.

Ciidamada isku horfadhiya galbeedka magaalada ayaa ah kuwa ugu daran ee laga baqanayo in saacad walbaa isku dhacaan, maadaama meesha isku horfadhiyaan ay tahay maxjarka xoolaha oo marka hore dagaalka uu ka bilowday.

Saaka ayaa rasaas laga maqlay galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ciidamada isku horfadhiyaan, waxayna taasi dhalisay cabsi kale oo soo wajahda nabadeynta magaalada ka socoto.

Dad badan ayaa saadaalinaya haddii ciidamada aan la kala qaadin iney dhici karaan dagaalo kale, sababtoo ah waxaa hadda xabadda loo joojiyay madaxda ku sugan magaalada.

Gaalkacyo waxay marti gelisay todobaadyo dhiig badan ku taatay, iyadoo kumanaan kun oo ruux ay ka carareen magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News