27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Ciidamada Jeneral Gaafow oo arrin yaab leh ka sameeyey doorashada Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamo taabacsan Jeneral Gafoaw ayaa si xoog ah waxay ugu wateen xarunta gudiga doorashooyinka ee magaalada Cadaado wasiirkii howlaha guud Galmudug Maxamed Guure oo ah musharax Aqalka hoos iyo Suldaan Xasan Axmed Sabriye (Xasan Modoobe) suldaanka beeshsa Foor culus Murasede oo ah odaygii xulayay Ergada kursiga beesha.

Wasiir Guure ayaa ilaa iyo hadda afduuban ayada oo Suldaanka la soo daayay kadib markii qori caaradii looga saxiixay Liis uu wato Gaafow.

Ergadii la socotay Suladaanka ayaa yir-dul loo geystay, sida ay wararka sheegayaan.

Ujeedka arrintaan ah in labada kursi ee beesha Habr-Cayn Murasade ay ku kala fariistaan Dhuxulow iyo C/qaadir Gaafow oo ah Jeneral Gaafow walaakiisa, taasi oo ah qorshaha Gaafow.

Odayaash Murusde qaar ka mid ah ayaa ugu baaqay Gudiga doorashooyinka in aysan aqabalin liis xoog lagu sameeyay dhaqsana loo sii daayo wasiirka afduuban ayaga oo is weydiiyay sababta xadgudbkaasi oo dhan u dhacaya.

Genaral Gafow oo xil la doonaya walaalkiis ayaa ku sugan Cadaado ayada oo doorashooyinka Aqalka hoose ay ka socdaan, si uu u xaqiijiyo qorshihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News