29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Hoggaamiye caan ah oo hanjabaad usoo diray madaxweyne Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku goodiyay inuu yareyn doono dhaqdhaqaaqa Argagixisada, ayaa waxaa haddalkaasi ka jawaabay Hoggaamiyaha falaagada Nigeria ee Boko Haram Abubakar Shekau.

Shekau ayaa sheegay in doorashada lagu soo saaray Donald Trump ay tahay mid lagu indha sarcaadinaayo dunida Islaamka, waxa uuna ku goodiyay dagaal.

Shekau oo soo diray fariin maqal ah oo lagu baahiyay boga kooxda ee YouTube, ayaa sheegay in dagaal uu hadda bilow yahay.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in guusha Trump ay reer galbeedka uga dhigan tahay gumaadka Islaamka, gaar ahaan dowladaha Ciraaq, Syria, Afghanistan.

Dagaalyahaanada kooxda ayuu ugu baaqay inay inay la dagaalamaan Mareykanka iyo xulafadiisa.

Hanjabaada Abubakar Shekau, ayaa imaaneysa xili dhawaan Hogaanka Daacish ay ku dhawaaqen xil ka qaadista Abubakar Shekau.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News