Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Carabta ayaa aad u buun-buuninaaya Xildhibaan asal ahaan kasoo jeeda mid kamid ah dalalka Carabta balse ka tirsan Baarlamaanka dalka Israel kaasi oo mar qura Hoolka Baarlamaanka ka dhex aadaanay.
Xildhibaankaani ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Dayib, waxa uuna Aadaanka ku dhawaaqay kadib markii uu ka carooday go’aamo kasoo baxay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Xildhibaankaani ayaa waxaa aad ula yaabay Mudanayaashii kale ee ku sugnaa Madashada waxa ayna ku qeyla dhaamiyeen in Axmed Dayib laga fadhiisiyo Hoolka.
Axmed Dayib, ayaa waxaa qadar yar un kadib markii uu Aadaanay kusoo baxay mid kamid ah ciidamada dharcadka ah ee ka howlgala Xarunta kaasi oo la socday xaalada amni ee Madasha Baarlamaanka.
Axmed Dayib, ayaa aad uga carooday Sharci cusub oo Xukuumada Isra’il ay ku soo rogtay Masaajida waxa uuna mar qura bilaabay in uu aadaamo isaga oo Mikarafoonka heesta.
Dowlada Israel ayaa aad ugu tacadiso dadka Muslimka ah, waxa ayna iminka wadaa sharci cusub oo lagu caburinaayo Muslimiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

