Moscow (Caasimada Online) – Dowlada Ruushka ayaa xabsi dhigtay Wasiirkii wasaarada horumarinta dhaqaalaha Alexei Ulyukayev, oo lagu eedeeyay qaadashada lacago laaluush ah.
Alexei Ulyukayev, ayaa waxaa xiray Ciidamada Madaxtooyada xili uu ku sugnaa Hooygiisa.
Wasiir Alexei Ulyukayev, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush dhan 2 malyan oo dollar, taa oo aan lala ogeyn, waxaana laaluushkaasi kashifay Sargaal ka tirsan Wasaaradiisa oo dabagal ku hayay Wasiirka.
Alexei Ulyukayev, ayaa lagu eedeeyay in shirkada shidaal ufududeeyay inay iibsato saamiga 50% shirkad shidaal oo ay dowladu leedahay.
Maxkamada Sare ee Ruushka ayaa si hordhac ah u sheegtay in Wasiir Alexei Ulyukayev uu muteysan doono xarig u dhexeeya 10 ilaa 15 sano waa haddii ay ku cadaato musuqa lagu helay.
Mr Alexei Ulyukayev, oo nin da’ ah, ayaa waxa uu noqon doonaa wasiirkii ugu horeeyay ee musuq-maasuq lagu qabto.
Dhinaca kale, Maxkamada qaadeysa dacwada musuq-maasuqa ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaarto Kiiskaani.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

