27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

IGAD oo Cosoble ku wargalisay in inuu dowladdiisa wax ka siiyo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan lagu wado in Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu soo dhiso Golaha Xukuumadiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoonka Beesha eritrea Nabadoon Fikak Cali Cumar.

Nabadoon Fikak Cali Cumar, ayaa Madaxweynaha ugu bishaareeyay horusocod iyo waxqabasho wanaagsan, waxa uuna sidoo kale ugu baaqay inuu mudnaanta siiyo Beesha eritrea oo 5 fac ka hor ilaa iyo hadda degan magaalada Jowhar.

Nabadoon Fikak Cali, waxa uu sheegay inuu rajo aad u ballaaran ka qabo in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble uu soo dhiciyo xuquuqda Beesha maadaama uu yahay mas’uul aqoon fog u leh taariikhda Beesha eritrea ee Somalia.

Nabadoonka oo rajada Beesha ka hadlaayay ayaa yiri ”Dhab ahaantii ma filaayo in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble maamulkiisa aan ku qadi doono waayo waa mas’uul aqoon durugsan u leh taariikhda ay Beesha ku dhex leedahay Somalia, gaar ahaan deegaanka Jowhar oo ah deegaanka aan ku ilmo dhalnay”

”Rajadeena Hirshabelle aad ayey u wacan tahay waayo Cosoble waa shaqsi aan ku kalsooni qabno in xuquuqda Beesha eritrea uusoo dhicin doono”

”Ballanqaad lagu kalsooni qabo ayaan ka heysanaa Madaxweynaha, maadaama IGAD iyo Dowladuba ay la socto xaqiiqda Beesha” ayuu yiri Nabadoon Fikak.

Nabadoon Fikak Cali Cumar ayaa sheegay in xaalada Beesha eritrea ay waxbadan ka ogtahay IGAD iyo Dowlada, waxa uuna sheegay in labada dhinacba ay qireen in Beesha ay taariikh ku dhex leedahay Somalia.

Nabadoon Fikak Cali ayaa Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ugu baaqay inuu adkeeyo xiriirka Beesha, waxa uuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay heli doonaan xuquuqdooda Jowhar.

Nabadoonka waxa uu sidoo kale, sheegay in IGAD oo ka warqabtay arrintaani ay ku wareejiyeen Madaxweyne Cosoble si Xukuumadiisa uu wax uga siiyo.

”IGAD oo arrinteena la socotay waxa ay nagu wareejisay Madaxweyne Cosoble si uu Beesha xuquuqdeeda ugu soo dhiciyo, rajaduna waa mid wanaagsan”

Dhinaca kale, Nabadoonka ayaa Madaxweyne Cosoble ku amaanay firfircoonida iyo la dhaqanka Bulshada qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News