Hargeysa (Caasimada Online)-Diyaarado nooca dagaalka ah ayaa duqeeyay Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos taga Degmada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh maamulka Somaliland.
Diyaaradahaani ayaa la sheegayaa in ku dhawaad Afar gantaal ay ku dhufteen deegaankaasi oo ay ku noolyihiin dad shibil ah.
Duqeynta ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Booliska Gobalka Daad-madheedh Maxamed Cali Cabdi, oo sheegay in duqeyntaasi ay fuliyeen diyaarado aan la garaneynin halka laga leeyahay.
Taliyaha waxa uu sheegay in wali aysan haynin xog muujinkarta khasaaraha duqeynta ka dhalatay, balse waxa uu xaqiijiyay in duqeynta ay aheyd mid aad u xoogan.
Baaritaan ayuu sheegay inay ku hayaan halka laga leeyahay diyaarada iyo sababta ka danbeysay in deegaankaasi la duqeeyo.
Madaxda ugu sareysa ee maamulka Somaliland ayaan wali ka hadal duqeynta ay geysteen Diyaaradaha, waxaana iminka socda baaritaano lagu xaqiijinaayo duqeynta.
Dhinaca kale, duqeyntaani ayaa dhalanrogtay qalbiga shacabka ku nool deegaankaasi ay duqeyntu ka dhacday.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

