Cilmi baaris sir badan kashiftay: Puntland oo ay ka socdaan arrimo laga naxo

Garoowe (Caasimada Online) – Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacada PSU ee Garoowe intii u dhaxeeysa December, 2015 ilaa April 2016 , oo ku qotontay xogo laga ururiyay fikradaha ay bulshadda qaybaheeda kala duwan ka qabto noocyada musuqmaasuqa ka jira Puntland ayaa lagu ogaaday heerka uu marayo Musuqmaasuqa saameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Cilmi-baarista waxaa lagu faahfaahiyay noocyada musuqmaasuqa ka jira dalka iyo hay’adaha dowladda ee sida ba’an u saameeyay. Hay’adahaasi waxaa ugu horreeyay  Hay’adda Qandaraas bixinta Puntland, Musumaasuqa lagu sameeyo deeqaha Caalamiga ah ee Puntland la siiyo, musuqmaasuqu ka dhaca cashuuraha Dekeda, Garoomada, Xuduudaha Puntland,  iyo musuqmaasuqa ka jira dowladaha hoose ee Puntland. Waxaa kaloo lagu xusay cilmi-baaristain in musuqmaasuq uu curyaamiyay Hay’adaha Cadaalada, Barlamaanka, iyo  Hay’adaha Shaqaalaynt dowladda u qaabilsan.

Hay’adda Qandaraas bixinta Dowladda.

Qandaraasyada Dowladda oo ay maamusha hay’adda qandaraas bixinta u qaabilsan Dowladda Puntland taasi oo  la asaasay 2000, balse dib loo howlgaliyay 2014ka ayaa cilmi-baarista lagu sheegay mid uu ragaadiyay musuqmaasuq aad  u balaaran (Corruption in Public Procurement);

cilm-baaristu waxaa lagu iftiimiyay  siyaabaha uu ku dhaco musuqmaasuqa la xiriira bixinta qandaraasyada, taasi oo lagu sheegay in Xubnaha dowladda wakiilka uga ha qandaraasyada ay la wadaagaan xogta qandaraasyada kaliya xubnaha ay isku qabiilka yihiin ama ay saaxiibada yihiin taasi oo meesha ka saaraysa in la helo Shirkado iyo  hay’ado badan oo awood u leh fulinta iyo taaba galinta qandaraaska.

Sida lagu sheegay Cilmi-baarista qandaraas qaatayaashu waxay laaluush (bribes) wakiilada dowladda ee xogta qandaraaska u gubiya. iyadoo qandaraas qaatuhu bixiyo marka la saxiixo qandaraaska lacag ku salaysan wadarta guud ee ku baxaysa qandaraaska.

Waxaa jira saddex marxaladood oo musuqmaasuqa qandaraasyada la xiriira uu u dhaco waxaana ka mid ah; baahinta qandaraaska, qiimaynta iyo kala saarka dadka/hay’adaha ugu haboon ee fulin kara qandaraaska (Advertisment, shortlisting, Checking eligilibity).

Musuqmaasuqa Mashruuca  Dhismaha Wadada Jalam ilaa Xarfo.

Mashruuca dhismaha wadada Laamiga ah ee  isku xiraysa Garoowe iyo Galkacayo oo qayb ahaan la dhisayo 80km oo ah  inta u dhaxayso Tuulo Jalam ilaa xarfo, waa mashruucii labaad ee ugu weynaa ee Puntland hesho muddo 25 sanno ah, waxaana ku baxaya 6 milyan oo dollar oo ay bixisay Midowga Yurub.

Mashruucan oo midowga yurub ay wakiil uga tahay Hay’da GIZ ee dalka Jarmalka ay markii hore la qorsheeyay in si furan ay ugu tartamaan  shirkadaha Caalamiga ah ee wadooyinka dhisa iyo kuwa wadaniga ah ee dalka ka howlgala, balse  qorshaasi waa diiday oo hor istaagay Agaasimaha  Hay’adda Wadooyinka Puntland PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan oo ku qanciyay dowladda iyo deeq bixiyayaashiiba in dalka gudihiisa laga heli karo shirkado isgaashaanbuuraystay oo leh Khidbarad, waayoaragnimada, Xirfadda ay ku  dhisi wado 80km , haystan Qalabka iyo injineeradda ajnebi ah.

Sida ay ku taliyeen Engineero iyo khuburo isugu jirta Soomaali iyo Ajnebi, dhismaha laamigani la mid ah ahaa  wadooyinkii hore ee laga dhisi jiray gudaha magaalooyinka Puntland, waxay sheegeen inuu aad uga ballaaran yahay awooda qalab iyo khibradeed ee shirkadaha Dalka, waxayna kula taliyeen in shirkadaha Ajnebi, kuwaasi ay ka mid ahaayeen shirkadii CCECC ee Shiinayska ahayd ee dhistay garoonka diyaaradaha ee Bosaso iyo shirkado turki ah oo muqdisho ka dhisa wadooyinka oo soo dalbaday qandaraaskan,balse Hay’adda PHA iyo madaxtooyadda Puntland ay diideen.

Yaa Maamulaya Qandaraaska Wadada Galkacayo.

Sida ku qoran heshiis ay wada-gaareen dowladda iyo Midowga yurub, waxaa mashruuca si wadajir u fulinayaa hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA iyo hay’adda GIZ oo wakiil u ah Midowga yurub. Waxaana si wadajir u ah maamuli doonaa sanduuqa tartanka qandaraaska ee  qiimaynaya shirkadaha hay’adda PHA iyo GIZ.

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay, Agaasimaha PHA, wuxuu bedelay qorshihii hore loogu heshiiyay oo oggolaanay in dhowr shirkadood ay wada fuliyaan, balse wuxuu ku bedelay in Hal shirkad ay qaadan karto qandaraaska. Taasi waxay cabsi iyo werwer ku riday 7 shirkadood oo ka mid ah shirkadaha qandaraaska soo dalbaday, kuwasoo cabsi ka qabo in waqti hore si hoose Loola heshiiyay Hal shirkad oo kaliya.

Qandaarka Dhismaha Wadada Galkacayo waxaa kaloo si weyn ugu leh ninka lagu magacaabo C/qani Dhaashane  oo markii hore ahaa agaasimaha waaxda mashaariicda ee Madaxtooyada,  ka dibna loo magacaabau  Xoghayaha Guddiga Qandaraasyadda Puntland oo isagu dhinac Madaxtooyadda ku xiran, isku jifi hoosaadna ay yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ninkan ayaa labadii sanno u dambaysay wuxuu sidii doono u maamulayay dhammaan qandaraasyada dowladu hesho iyo kuwa hay’adaha caalamiga ahi ay bixiyaan.

Shirkadaha Dalbaday Qandaraaska.

Sida ay sheegeen Guddiga Qandaraasyada dowladda iyo Hay’adda PHA, ilaa 9 shirkadood oo wadani ah ayaa soo codsaday qandaraaska dhismaha, waxaa ka mid ah shirkadda Al-baashit oo uu leeyahay Ganacsada John Yaardi, shirkadan ayaa hore u soo dhisay buundooyin, oo ugu dambaysay labo buundo oo ay ka dhistay inta u dhaxaysa Kalabayr ilaa Bosaso, Waxay kaloo dhawaan qaadatay  mashruuca lagu dhisayay dhisme Labo dabaq ka kooban oo laga dhisay Dekeda Bosaso, kaasi oo lacagtii ku baxday ay gaaraysay Sidee Boqol kun dollar.

Shirkadan  oo xiriir fiican la leh qaar ka mid ah madaxda Hay’da Qandaraasyada dowlada, waxa sidoo kale dowladu siisay dhowr mashruuc oo kale oo ay ka mid tahay dhismaha suuq Cusub oo Bosaso laga dhisayo.

Shirkadaha u tartamaya qandaraaskan waxaa ka dhex muuqata ELGAR oo shirkadii u horraysay ee laami ka dhista dalka, balse muddooyinkii u dambaysay waxaa ku dhacay dib-u-dhac, ka dib markii ay  ku fashilantay Dhismaha Wadada Jidka sodonka ee  magaalada Garoowe, waxaana la hakiyay qayb ka mid ah lacagihii qandaraas, waxayna taasi sababtay in Liiska Madow la galiyay  oo laga mamnuucay mashaariicda JPLG.

Gabagabadii, Wadada Gaalkacayo waa wadnihii dalka isku xiraayay, qof kasta oo mara dariiqaasina waa dareemi karayaa dhibaatadda ka jirta, mashruucan qiimaha uu dalka iyo dadka uu leeyahay waa mid weyn oo haddii la musuqmaasuqo oo lagu fashilmo waxay sababi kartaa in mashaariic badan oo Puntland la siin lahaa dib loola laabto

Dowladda Puntland waxaa qaar kamid ah dhacbku u soo jeedinayaa  in nidaamka qandaraasyada sidooda loo raaco oo la dabakho  hababka iyo qaababka wanaagsan ee la xiriira Faafinta, qiimaynta, iyo bixinta qandaraasyada dowladda. Waxaa kaloo soo jeedinaynaa in dib loo eego qaabka ay u shaqayso Hay’adda Qandaraasyada dowladda Puntland.

W/D: C/raxmaan Cumar