Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu wali ka socdaa magaalada Caabudwaaq kaasi oo u dhexeeya Maleeshiyo beeleed halkaasi wadadega.
Dagaalka ayaa leysu adeegsanayaa Hubka culus waxa uuna ka danbeeyay kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadkaasi ay weerar ku qaaday maleeshiyada kale.
Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil waxa uuna xoogiisa ka dhacay Suuqa-xoolaha Caabudwaaq, oo uu ka bilowday dagaalka.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Afar ruux oo labada dhinac ah, halka dhawaca uu ka gaaray Sideed sida ay kusoo waramayaan dadka Deega
Maamulka Caabudwaaq ayaa ku baxay dagaalka waxaana iminka socda dadaalo lagu qaboojinaayo dagaalka socda.
Xaalada Caabudwaaq ayaa iminka ah mid kacsan waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

