27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: CC iyo GAAS oo ka hortagaya qorshaha Xidig ee caqabada ku ah beesha Daarood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland kala hadlay damaca C/rashiid Xidig ee ku aadan noqoshada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Sharmaarke waxa uu C/wali Gaas u sheegay in Xidig uu taageero ka helaayo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ujeedka taageeradaasi ku sheegay mid meesha looga saarayo isaga oo u taagan doorashada Madaxtinimo ee Somalia.

Sharmaarke waxa uu C/wali u sheegay in Xidig uu halis ku yahay masiirka Beesha, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in shaqsi miisaankaasi leh lagu adeegto.

Waxa uu intaa ku daray Sharmaarke in damaca Xidig uu yahay mid aan mugdi ku jirin isla markaana goobo fagaara ah ka sheegay inuu u sharaxana yahay Guddoomiyaha baarlamaanka.

C/wali Gaas oo hadalka la booday ayaa Ra’isul wasaare Cumar ugu laab qaboojiyay in C/rashiid Xidiga uusan noqon dooni.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uuna ballanqaaday in ololihiisa uu kala kulmi doono caqabado lama dhaafaan ah.

C/wali waxa uu Sharmaarke u sheegay in isaga iyo Axmed Madoobe ay kulan la qaadan doonaan Xidig isla markaana u sheegi doonaan inaanu cod ka heli doonin dhanka labada maamul.

Gaas waxa uu wacad ku maray in Jubbaland iyo Puntland aysan qaadan doonin in Xidig uu isu soo sharaxo Guddoomiyenimada.

Docda kale, Gaas waxa uu ku celceliyay inay wataan Musharaxiin utaagan qabashada xilka Madaxweyninimo wixii intaa ka badana aysan qaadan doonin.

Caasimad Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News