Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu diiday inuu qeyb ka noqdo mas’uuliyiinta ka qeybqaadaneysa xalinta Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Axmed Madoobe uu ku andacooday inuu qeyb ka ahaan doono wadahadalka Puntland iyo Galmudug looga furi doono magaalada Kismaayo wixii intaa ka harsana uu banaan joog ka noqon doono shirka ka socda Gaalkacyo.
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka hadda ka socda Gaalkacyo uu yahay mid laga maarmikaro maadaama Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu joogo.
Shirka labada maamul uga furmi doono magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu ka cayaari doono kaalin wanaagsan, waxa uuna sidoo kale dalbaday in iminka laga dulqaado culeyska maadaama howlo badan ay sugayaan.
Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah C/wali Gaas ayaa waxa uu kamid ahaa Mas’uuliyiinta lagu marti galiyay gogosha lagu xalinaayo Colaada Puntland iyo Galmudug.
Puntland kama aysan hadal baaqashada Axmed Madoobe maadaama goor sii horeysay ay sheegen in gogosha uu marti ku yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

