28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Akhriso Liiska Magacyada Xildhibaanada maanta lagu doortay magaalada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacay doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha Baarlamaanka Somalia.

Doorashadaani ayaa waxaa kusoo baxay xubno dhowr ah oo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo aad ugu dhow Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Xassan Sheekh.

Doorashada maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay 5 xildhibaan, iyadoo markii hore uu qorshahu ahaa in maanta la doorto 13 xildhibaan.

Xildhibaanada kusoo baxay doorashada maanta ayaa waxaa kamid ahaa:

1-Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed.

2-Faarax Sheekh C/qaadir.

3-Khadiijo Maxamed Diiriye.

4-Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono)

5-C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Doorashada maanta dhacday ayaa aheyd mid aad u xiisa badan, waxaana sidoo kale inta badan xubnahaani soo baxay ay dareen Siyaasadeed galiyeen inta daneysa Siyaasada.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro xubnaha 13-ka la qorsheeyay ka harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News