30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Villa Somalia oo ka soo kabaneysa raja beelkii kala geeyay Dam-Jadiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib usoo hagaageysa rajadii ay Kooxda Damul-Jadiid ka laheyd Kursiga ugu sareeya dalka, kadib markii maalmahaani ay lasoo deristay niyad xumo ka dhalatay doorashooyinka ka socda Caasimadaha Gobolada dalka qaarkood.

Kooxdaani oo maalmihii tagay ku kala irdhoobay niyad jabka Musharaxiintooda ka heysta doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa iminka u muuqda inay kasoo kabanayaan niyad jabkii saameeyay ololahooda.

Musharaxiinta Kooxdaani oo maalmihii tagay laga soo miyay codadka ay uga mid noqon lahaayen Aqalka Hoose, ayaa waxa ay iminka heleen codadkii ay ku lahaayen doorashooyinka.

Xildhibaanada ugu badan ee Kooxda Damul-Jadiid ayaa ka imaanaya dhanka maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, halka Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed laga soo miyay.

Doorashadii is barbar soctay ee ka kala dhacday magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado ayaa waxaa kusoo baxay Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo xiligaani garab u ah Xassan Sheekh.

Loolan siyaasadeedkani cusub ayey Damul-Jadiid ku bixiyeen dhaqaale aad u xogan oo lagu maalgelinayo Musharixiinta laga rajeynayo inay codadkooda ku taageeraan Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh.

Doorashadda Madaxtinimadda ee la iclaamiyey inay dhici doonto bishan November 30-da, inkastoo laga yaabo inuu jadwalkaasi dib u dhac kale ku yimaado, ayaa u muuqaneysa inay ku guuleysan doonaan Kooxda iminka ay gacanta ugu jirto Villa Somalia ee loo yaqaan Damul-Jadiid.

Kooxda Damul-Jadiid ayaa kusii xoogeysaneysa Kuraasta Aqalka Hoose, waxa ayna tani muujineysaa in loolanka ka dhexeeya Musharaxiinta Madaxweyne uu kasii xoogeysanaayo halkii laba maalin un ka hor uu taagnaa.

Docda kale, guulaha xoogeysanaaya ee Damul-Jadiid ayaa shaki galinaaya hanaanka ololaha doorasho ee Aalla sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News