25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xog: Maxay tahay ujeedada Caddow Cali Gees uu nus milyan dollar uga bixiyey kursiga aqalka hoose + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsadaha caanka ah ee Caddow Cali Gees oo shalay 40 cod ku hantay kursiga aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isagoo madalayay beesha Waceysle ee jufada Marooyin ayaa juhdi iyo dhaqaale ku bixiyay sidii uu mar kale ugu mid noqon lahaa baarlamaanka Soomaaliya.

Caddow Cali Gees ayaa la sheegay inuu ku bixiyay helitaanka kuriga lacag ka badan Nus Milyan Dollar. Ergada soo dooraday ayaa wuxuu midkiiba siinayay lacag ku dhow Labaadan kun Dollar oo ay usii dheer tahay qarashaadka tas-hiilaadka ku baxay soo daabulida ergada iyo dadkii u kambeyn gareynayay, goobta ay deganaayeen iyo cuntadooda.dscf6020Ganacsadahan ayaa dowladda waqtigeeda dhamaaday xildhibaan ka noqday sanadkii 2012, waxaana la sheegay in kulamadii baarlamaanka uu waligiis hal mar soo xaadiray. Ujeedada uu u galay iyo inuu dhaqaale intaas la eg ku bixiyo xubinimada baarlamaankana aysan aheyn mid uu dhaqaale ku raadsanayo balse arinta ay sidaasi ka duwan tahay.
dscf6025Dad badan ayaa isweydiinaya “Maxay tahay ujeedada in hal kursi uu Caddow Cali Gees uu ku bixiyo in ka badan nus milyan dollar iyadoo la og yahay in baarlamaankii uu ka tirsanaa hal fadhi kaliya lagu arkay?”
dscf6019Ujeedada ka danbeysa inuu kursiga xildhibaano ee Caddow wuxuu horay u sheegay inuu xildhibaanimada ka dhiganayo difaac iyo xasaanad uu hantidiisa ku ilaalsanayo, waana ganacsade qandaraasyo dhowr ah heysta oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM.

Ganacsade Caddow ayaa waxaa tartan adag la galay Axmednuur Yuusuf Guuleed oo ah wakiilka shirkadda Soda King Soomaaliya ee cabitaanada kala duwan soo saarta, kaasoo helay 11 cod.dscf6023dscf6021sanduuq-doorashodscf6022dscf6027
dscf6018

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News