26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Weerar xoogan oo lagu qaaday Hoteel uu Guuleed ka degnaa Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa weerar culus ku qaaday Hoteel uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ka degnaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada madaxweynaha maamulka ayaa la sheegayaa inay iska caawiyeen maleeshiyaadka weerarka kusoo qaaday Hoteelka uu Madxaweyne Guuleed ka degnaa magaalada Gaalkacyo.

Iska caabinta ayaa la sheegayaa inay soctay ku dhawaad Saacad, waxa ayna Kooxdaasi isku dayeen inay gudaha u galaan Hoteelka, balse waxa ay iska caabin xoog leh kala kulmeen ilaalada Madaxweynaha.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in weerarka ay soo qaadeen kooxo ka caraysan kala qaadistii shalay lagu sameeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ma jirto Cid sheegatay weerarkaasi,waxaana weerarku uu imaanayaa xilli shalay la kala qaaday Ciidamada Labada Maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News