25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii gaar ahaa ee CC iyo Shariif Xasan (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaana kasoo baxay qodobo dhowr ah.

Kulankaasi gaarka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qorshaha dahsoon ee ka dhaxeeya labadooda, maadaama ay yihiin musharixiin madaxweyne.

Labada masuul oo waddo qorshe ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmihii ugu dambeeyay yeelanayay kulamo kala duwan oo ka dhacayay Kenya iyo imaaraatka carabta.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran kana dhacay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu qaatay muddo seddex saacadood ah, waxaana xitaa loo diiday in warbaahinta iyo shaqsiyaad kale ka qeyb galaan.

Shariif Xasan iyo Cumar C.rashiid ayaa labadooda ka siman aragtida ah in ruux kasoo jeeda beelaha Hawiye uu noqdaa afhayeenka baarlamaanka, si beelaha Hawiye u waayaan xilka madaxweynaha dalka.

Waxyaabaha kasoo baxay waxaa kamid ah iney badsadaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana qorshaha uu yahay in isbahayesiga cusub uu ku biiro Cali Cabdulaahi Cosoble oo dhawaan kusoo baxay kursiga aqalka Hoose.

Cali Cabdulaahi ayaa si weyn kaga soo horjeeda Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana hotelka uu lahaa lala eegtay weerar ismiidamin ah oo ilaa hadda uu kasoo kabsan la’yahay.cumar-shariif1 cumar-shariif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News