28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ciidamo Ethiopian ah oo la geynayo Gaalkacyo iyo IGAD oo maanta….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – IGAD ayaa hogaamineysa qorshe lagu doonayo in mustaqbalka ciidamo ka socda dalka Itoobiya lagu geeyo magaalada Gaalkacyo si ay u ilaaliyaan xabbad joojinta.

Qorshahan ayaa waxaa hordhac looga dhigay kormeerayaal caalami ah oo ay hogaamineyso IGAD oo la geeyay magaalada Gaalkacyo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

Kormeerayasha oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socota UN-ka ayaa shaqadoodu noqoneysaa inay ilaaliyaan xabad joojinta ay gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka dhaqan gashay magaalada Gaalkacyo, kadib markii la kala qaaday ciidamada labada dhinac.

Qorshaha ciidamada Itoobiya lagu doonayo in lagu dhex dhigo labada maamul ee isku haya magaalada Gaalkacyo ayaa ka danbeeya hadii ay burburto xabbad joojinta hadda jirta oo ah tii saddexaad ee labada maamul ay gaaraan dhowaanahan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News