25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xasan oo qaaday tallaabadii ugu yaabka badneyd ee doorashada Aqalka Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in Ergo cusub loo diro magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug.

Ergada uu amray Madaxweyne Xassan Sheekh in la geeyo magaalada Cadaado, ayaa la sheegayaa in lagu bedeli doono Ergooyin horay loo geeyay Cadaado kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay u codeeyan Musharaxiin kala duwan oo uu wato Xassan Sheekh oo qeyb ka ah Xildhibaanada Damul-Jadiid ee u codeyn doona Musharax Xassan Sheekh.

Ergada la bedelaayo ayaa la sheegayaa inay ka weecdeen Heshiiskii ahaa inay u codeeyan shaqsiyaadka uu Xassan Sheekh wato, kadib markii ay heshiisyo qarsoodi ah la fureen Musharaxiin kale oo doonaaya inay ka guuleystaan kuwa daacada u ah Madaxweynaha.

Ergada qaar ayaa la sheegayaa inay sii wadan doonaan howshooda, balse isbedelka uu saameyn doono qaar kamid ah Ergada laga shakisan yahay inay ka codeeyan kuwa uu wato Xassan Sheekh.

Qorshaha hadda uu wado Xassan Sheekh ayaa lagu sheegay in Cadaado saacadaha soo socda la geyn doono ilaa 80 Ergo kuwaasi oo lagu kabi doono kuwo kale oo ku sugan Cadaado.

Hakinta Doorashada Cadaado ayaa sabab u ah diyaarinta Ergadaani, waxa ayna Damul-jadiid ka cabsadeen in looga guuleysto Doorashada, taasina waxa ay sababtay in la hakiyo Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News