27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xasan oo ku dhawaaqay inay dhiibayaan dhaqaalo badan oo lagu leeyahay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay iney bixinayaan dhamaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay Xasan Sheikh iney dadaal dheeri ah gelin doono sidii ay u magi laheyd deymihii badnaa ee lagu lahaa dalka.

Xasan Sheikh ayaa dhinaca kale sheegay iney bixiyeen deymo badan oo dowlada Soomaaliya lagu lahaa.

Dowlada Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay iney dayactir ku sameysay inta badan safaaradihii ay ku laheyd dalka Soomaaliya, ayna dib u shaqeynayaan.

Sidoo kale safaarado badan ayuu sheegayin dhawaan la dayactiri doono ayna bilaabi doonaan howlihii ay qaban jireen.

“Deymihii iyo qaaraankii nalagu lahaa ayaan dib u bixinay, hadii ay tahay IGAD hadii ay tahay Midowga Afrika, hadii ay tahay hay’ado kale oo caalami ah, wixii nalagu lahaa waxna waan bixinay, waxna waa nalaga cafiyay, waxna jadwal ayaan u sameysanay oo aan ku bixinayno, markaasaa maanta meel kasta codkeena dib uga noqday waan ka codeyn karnaa ra’yina waan ku leenahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Lama oga halka laga keenayo dhaqaalaha lagu gudayo deymaha faraha badan ee dowlada Soomaaliya lagu leehay.

Dowlado badan ayaa horey u sheegay iney cafiyeen deymihii lagu lahaa dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News